Home » Arimaha Qoyska » Sir Culus Oo Haweenka Loo Hayo ! 7-Arin Oo Jaceylka Ragga Dila…

Sir Culus Oo Haweenka Loo Hayo ! 7-Arin Oo Jaceylka Ragga Dila…

Haween badan ayaa ku jahwareersan is bedelka dhanka jaceylka ee ku yimaada lamaanahooda oo horay aad ugu wanagsanaa , hadaba alcarabiya.com ayaa ku siineysaa arimo dhowr ah oo dila jaceylka ee il gaar ah u yeelo.

 

Jees jeesida iyo dhaawicidda dareemaha: jees jeeska waa arin aad u xun waxa ayna dhalineysaa naceyb , haddi tani timaado waxa uu wadada u fureayaa dood iyo is afahan la`aan ugu dambeyntii kalgaceylkii ayuu dilayaa .

Ka Mashquulidda joogtada ah : in haweeneyda ninkeeda ay kaga mashquusho gurigeeda ama banaanka taasi cidlo ayay ninka dareensiineysaa waxaana ugu daran hadii ninka uusan haysan wax uu ku mashquulo , hadaba gabaryaheey ihtimaam sii ninkaada oo haka mashquulin taasi boolasha jaceylka ayay dabcinayaan.

 

Maseerka Badan(Hinaasaha) hadii hinaasaha uu soo dhaafo xadkiisa waxa ay taasi halis gilineysaa xariirkii qoyska , waxa ayna labada lamaane ku leexineysa waddo qaloocan waana arin aad u halis baadn .
Qaadashada Talooyin Haween Kale : in haweeneyda dhageysto dhamaan talooyinka kale ee saaxibadeeda oo ay qaadato iyana xariirkii nolosha ayay tashwiish ku fureysaa ee gabaryaheey isku day in ninkaada adiga uun fahanto waayo nin waliba dabecad ayuu leeyahay .

 

In Aadan Qadarin : Waxaa laga yaaba in ninkaada uu leeyahay hami iyo riyooyin ah in uu gaaro waxa uuna u baahan yahay taageero , hadaadan sidaa sameyn waxa uu ninkaada u turjumanayaa in aadan u qadarineyn sidii loo baahnaa, xitaa hadii uu ka waayo arayo dhiira gilin ah tani waxa ay noqoneysa nooc ka mid ah niyad jabka , waxa uuna is weydiinayaa su`aalo badan ee ninkada qadri oo dhiira gili .

 

Hogaamin Iyo Mayal Adagnimo : haween badan ayaa aaminsan in ninka ka dhigaan mid gacanta ay ku hayaan taasina ay siineyso deganaan ah dhanka nolosha oo go`aano adag kaga soo hor jeestaan , ogaaw ragga kama helaan haweenka xukunka badan ee nolosha waa si fahan iyo wada tashi .
Dacwada Badan : hadii ninku dareemo in xaaskiisa dacwad badan tahay kana hadleyso dhibaatooyin iyada ay xalin karto waxa taasi ninka ku qasbeysa in aamusnaanta maciin bido si uu u nafiso , ninka uma dulq qaadan karo haweeneyda noocaas ah .

 

 

Osman Fantastic

Alcarabiya Editor Team

 

 

 

 

2 Responses to Sir Culus Oo Haweenka Loo Hayo ! 7-Arin Oo Jaceylka Ragga Dila…

  1. Tutale ali tutale Reply

    November 22, 2012 at 8:32 am

    Wa arin u bahan qoskasta inu qata kuna dhaqma dhaman inta u shegey walalken wa mida kenta hormarka dhaqale e qoska dintana wa qabta intu shegay qeyla iya dagal na kuma dhisma lamana dhala ubad badan koley waxakentay inu qora arinta osman fantastik waxad arkeysa 18 sana ama 20 sana gabar jirto o garob ah ama cunug sidata ad iya ad ayan ugu mahad celina ilah aya mahad leh

  2. Tutale ali tutale Reply

    November 22, 2012 at 8:36 am

    Marka haka faideystan dumarka wa janis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

*