Wararka ka imaanaya xerada dadaab ayaa sheegaya in todobaadkii labaad in howlihii hay`adda Kenya Red Cross ka socon todobaadkii labaad ka dib markii ay shaaciyeen in ay joojiyeen howlihii qaxootiga u hayeen .
Go`aanka Red Cross ayaa daba socda ka dib markii weerar lagu qaaday gaari ay leedahay hay`daas iyadoo mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dahawacay xerada Ifo2 , waxaana haatan la tilmaamayaa in uu socdo wadahadal ku aadan in hay`adda ay bilaawdo shaqadeeda.
Xerada dadaab ayaa bilihii ugu dambeeyay amaankeedu uusan fadhin waxaana ka dhacayay qaraxyo kuwaasi oo saameyn qaarkood ay ku yeesheen howlaha shaqo ee hay`adaha samafalka gudaha dadaab.
Mohamed
February 8, 2013 at 5:46 am
marax yaal yahow warka taariikh uyeela